Akhriso:-Galmudug oo si adag uga hadashay Dilka Hogaamiyihii Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi

Akhriso:-Galmudug oo si adag uga hadashay Dilka Hogaamiyihii Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi

0
SHARE

Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Shaakir Cali Xasan oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Dhuusomareeb ayaa ka hadlay dilkii ciidamada Mareykanka u geesteen Hogaamiyihii kooxda Daacish Abuubakar Al-Baqdaadi.

Sheekh Shaakir ayaa sheegay in Hogaamiyaha la dilay ee kooxda Daacish uu ahaa cadaw uu islaamku leeyahay, waxa uu sidoo kale sheegay in uu dhibaato badan u geestay dunida dilkiisuna uu yahay wax lasoo dhaweeyo.

Waxa uu Tilmaamay Madaxa Xukuumada Galmudug in Hogaamiyaha kooxda Daacish uu ahaa nin cadaw ah aan kala saareyn umada muslimka iyo kuwa gaalada, waxa uuna faa’iido umada usoo hoyatay ku tilmaamay dilkiisa.

”Abuu Bakar waxa uu ahaa cadawga islaamka iyo insaaniyada, waxa uu ahaa axad dunida dhibaateeyay, waxaan leeyahay gacan walbo haku baxo dilkiisa waa faa’iido usoo hoyotay umada Islaamka ” ayuu yiri Sheekh Shaakir.

Ciidamada Mareykanka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa howlgal gaar ah ka fuliyeen dhawaan Waqooyiga dalka Siiriya waxa ay ku dileen Hogaamiyihii kooxda Daacish Abuubakar Al Bagdaadi.

LEAVE A REPLY