Akhriso;-labo beelood oo daga guriceel iyo balanbal oo Heshiis kama Danbeys ah...

Akhriso;-labo beelood oo daga guriceel iyo balanbal oo Heshiis kama Danbeys ah gaaray Maanta

0
SHARE

In muddo ah magaalada Balambal ee gobalka Galgaduud waxaa ka taagnaa dagaal beeleed u dhaxeeya dad walaalo ah oo ka soo ka kala jeeda Guriceel iyo Balambal, kaasi oo dhawaan xal hor dhac ah laga gaaray.

Dagaal beeleedkaas ayaa taagnaa in muddo ah, waxuuna fgalaaftay nolosha dad badan, waxaana ku baxay wax garad, saraakiil iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda federaalka iyo maamulka Galmudug.

Xubnaha ku baxay colaadaas ayaa waxaa hor ka cayay xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Somalia, saraakiil ciidan oo uu horkacayay  Taliyaha guutada 15-aad qeybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka, siyaasiyiin iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqan oo ka kala yimid magaalooyinka Gurceel iyo Balambal oo ay kasoo kala jeedaan beelaha walaalaha ah ee halkaas ay dirirtu ku dhemartay.

Waxaana Balambal saacado ka hor lagu kaola saxiixday heshiis kama dambays ah, kaas oo kuqotoma sidii loogga baaqsan lahaa colaad dambe oo ku soo laabata deeganadaas.

Mas’uuliyiinta saxiixa heshiiskaas kor joogtada ka ahaa ayaa waxaa la sheegay in ay dalbadeebn hoggaanka beelaha in la dhaqan galiyo heshiis ah in la dilo ruuxii dil dambe geysta, si looga baaqsado dilalka macna darada ku dhacaya goor kasta.

Odayaasha labada dhinac ee dirirtu u dhaxeysay ee qaatay nabadda ayaa sheegay in ay ka dhabeynayaan xalka nabadeed ee la gaaray, isla markaana aysan jiri doonin balan ka bax dambe qoladii ka baxda heshiiska lagaarana meel looga soo wada jeesa doono.

LEAVE A REPLY