Akhriso Magacyada : Dadka lagu la’yahay Doontii ku rogmatay Baladweyne (Sawirro)

Akhriso Magacyada : Dadka lagu la’yahay Doontii ku rogmatay Baladweyne (Sawirro)

0
SHARE

Waxaa wali magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka socda baadigoob xoogan oo lagu jiro sidii lagu heli lahaa nolol iyo geeri 10-qof oo kamid ahaa dadkii ay shalay la rogmatay doontii ku degtay magaalada Baladweyne.

Inta la xaqiijiyay 10-qof ayaan laheyn nolol iyo geeri halka ay ku dambeeyeen, waxaana socda baadi goob ay dad badan ka qeyb qaadanayaan oo lagu raadinayo sidii loo heli lahaa dadka maqan nolol iyo geeri.

Halkan ka Akhriso Magacyada dadka nolol iyo geeri lagu la’yahay 

1) Sharmaake Khaliif Xassan Xoghayaha Dowlada Hoose ee Baladweyne

2) Dahabo Axmed Xassan la-taliyaha Sare ee Arrimaha haweenka Madaxweynaha Hir-Shabeelle

3) Khaliif Xassan Agaasimaha Xafiiska Duqa Baladweyne

4) Deeqow Abdi Cariif Agaasimaha waaxda Nadaafada dowlada Hoose ee Baladweyne

5) Gueleed ibraahiM IT dowlada Hoose Baladweyne

6) Cabdi Keynan (Abdi kuus) Darawalka duqa Baladweyne

7) Shariif Hassan Ganey (Shariif Carabey) Ganacsatade meydkiisa saakay ayaa la helay.

8) Macalin Nuur Ganacsatade

9) Axmed Cali Cusmaan (Ahmed Ganey) Ganacsatade

10) Muscab Xuseen muuto darawal doonida rogmatay

Waxaa sidoo kale dadka maqan ku jira Wiilyar oo iskuuley ah oo magaciisa wali la xaqiijin, dadkan ayaana kamid ahaa dadkii la socday doontii shalay subax ku rogmatay magaalada Baladweyne.

LEAVE A REPLY