Akhriso: Sheikh Shaakir oo talaab deg deg ah Ku dhawaaqay

Akhriso: Sheikh Shaakir oo talaab deg deg ah Ku dhawaaqay

0
SHARE

Iyadoo dhinac badan oo gudaha iyo dibada dalka ay ka socdaan gurmad loogu talagalay in lagu samata bixiyo dadka ay saameynta ku yeelatay fatahaada Wabiga Shabeelle ayaa waxaa durba tallaabo deg deg ah qaaday Maamulka Galmudug.

Sheikh Maxamed Shaakir oo ah Madaxa Xukuumadda Galmudug kana mid ah Hoggaanka Ahlu suna ayaa magacaabay Guddiga gurmadka Fatahaada Wabiga Shabeelle.

Madaxa xukuumada ayaa shacabka Galmudug ugu baaqay in laga qeyb qaato ugurmashada Dadka ku dhibaateysan Magaalada Baladweyne kuwaasi oo uu saameeyay Wabiga Shabeelle.

Sidoo kale Guddiga uu Magacaabay Sheekh Shaakir ayaa ka kooban 9-Xubnood, kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya gurmad loo sameeynayo dadka uu saameeyay Webiga.

                     Halkaan Hoose ka Akhriso magacyada Guddiga:-

LEAVE A REPLY