Al-shabab oo sheegatay dil ka dhacay Gaalkacyo

Al-shabab oo sheegatay dil ka dhacay Gaalkacyo

0
SHARE

Xarakada AL-shabab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Dilkaas ayaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa Ciidamada nabdgelyada waddooyinka ee Maamulka Puntland.

Koox hubeysan ayaa waxaa ay Gaalkacyo waqooyigeeda ku dileen Maxamuud Faarax Cawl oo ahaa Taliye ku xigeenka Ciidamada ilaalada Waddooyinka maamulka Puntland.

Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday goobta markii ay toogteen Taliye ku xigeenka Taraafikada Gobolka Mudug qeybta Puntland.

Al-shabaab oo weerarka lagu dilay Taliyaha war ka soo saaray ayaa sheegay in koox iyaga ka tirsan ay ka dambeeyeen dilka Taliye ku xigeenka Ciidanka nabad gelyada Mudug ee Puntland.

Magaalada Gaalkacyo waxaa dhowrkii bilood ee la soo dhaafay ka dhacayay dilalka qorsheysan iyo qaraxyada lagu xiro Gaadiidka waxaana intooda badan mas’uuliyaddooda sheegta Al-shabaab.

LEAVE A REPLY