Daawo sawiro dheraad ah soo dhawayntii kismaayo loogu sameeyay wafdiga madaxweynihii Hore...

Daawo sawiro dheraad ah soo dhawayntii kismaayo loogu sameeyay wafdiga madaxweynihii Hore ee Galmudug

0
SHARE

magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland waxa si toos ah uga degtay diyaarad siday Madaxweynayaashii hore ee maamulada Galmudug, koonfur galbeed iyo siyaasiyiin kale oo caan ah.

Diyaarada ay la socdeen xubnaha ay kamid ahaayeen Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka duushay magaalada Nairobi , waxa ayna diyaaradan iyada oon soo marin Muqdisho si toos ah uga degtay Kismaayo.

Xubnaha maanta gaaray magaalada Kismaayo ay ku jiraan Xildhibaano badan oo katirsan labada aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kismaayo kusoo dhaweeyay Madax katirsan mamaulka Jubbaland.

Xayiraadii dhinaca duulimaadka ee saarnaa diyaaradaha tagaya iyo kuwa ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa u muuqata mid la jabiyay , maadaama diyaaradan iyada oon soo marin Muqisho ka degtay Kismaayo.

Magaalada Kismaayo ayaa la filayaa in sidoo kale gaaran siyaasiyiin caan ah iyo Madax hore ,kuwaa oo ka qeyb galaya caleemo saarka Madaxweynaha Jubbaland Sheekh Axmed Madoobe oo isbuucan ka dhaceysa Kismaayo.

LEAVE A REPLY