Dhibaato laga soo shegayo degano hoos taga Galmudug

Dhibaato laga soo shegayo degano hoos taga Galmudug

0
SHARE

Maxamed Nuur Diini wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo biyaha maamulka goboleedka Galmudug ayaa waxa uu ka hadlay biyo yari ka jirta qaar ka tirsan deegaanno hoos yimaadda maamulkaasi.

Deegaanndaas ayaa waxaa ka mid ah qaar aan horey biyo u lahayn iyo qaar kale oo ay ka jabeen ceelashii ay biyaha ka heli jireen, waxaana ka mid ah Gelinsoor, Dhabbad ,deegaanka Gadoon, Faragooye iyo qaar kale oo Waqooyiga Galgaduud iyo Bariga magaalada dhuusamareeb ku yaalla .

Waxa uu sheegay wasiir ku xigeenku mar uu wreysi siiyay warbaahinta madaxa banaan in ay wasaarradu samaysay tirakoob ay kusoo ogaaatay in ay jabeen ceelal biyood ilaa 36  kuwaasi oo ay kusoo arkeen deegeennada ay wasaarradu ka samaysay tirakoobka

Dhinaca kala wasiirka ayaa waxa uu baaq usoo jeediyay hay’adaha ku shaqada leh iyo dawladda federaalka in ay arrintan ka gacan siiyaan oo ay u gurmadaan shacabka Soomaaliyeed, ee u badan xoolo dhaqato iyo beeralay , ee aan la siyaasadayn u gurmashada shacabka Soomaaliyeed ,waa sida uu hadalka u dhigaye.

Qaar ka mid ah gobolada dalka oo lagu soo waramayo ay ka jiraan abaaro ayaa si dan oo kale waxaa looga dalbaday in ay wax ka qabato , walow aysan jirin ilaa iyo hadda jawaab rasmi ah oo ay dawladda soomaaliya ka bixisay baaqyadaasi kaga yimid gobolada ay ka soo cusboonaadeen abaaraha. 

LEAVE A REPLY