Faah faahino dheraad ah Kooxo hubeysan oo taliye ciidan ku dilay magaalada...

Faah faahino dheraad ah Kooxo hubeysan oo taliye ciidan ku dilay magaalada Gaalkacyo

0
SHARE

magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay waqooyiga magaalada gaar ahaan qeybta Puntland ay ku togeen mas’uul ka tirsan maamulka Puntland.Advertisement

Mas’uulkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray  Maxamed Faarax oo si weyn looga yaqaanay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Maxamed Faarax ayaa ahaa taliye ku xigeenkii Ciidanka ilaalinta wadooyinka Gobolka Mudug ee Puntland  sida ay xaqiijiyeen masuuliyin ka tirsan maamulka gobolka Mudug ee Puntland

Kooxihii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan booliska maamulka Puntland.Advertisement

Todobaadkii hore ayaa Gaalkacyo lagu dilay Xuseen Cabdille oo horey u soo noqday masuul katirsanaa golihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo iyo kuxigeenka Duqa magaalada, ahaana Taliyaha Kastamyada Canshuuraha ee wasaaradda Maaliyada Puntland ee gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY