Heshiiskii looga bxy ahlusuna oo laga cabsi qabo in dagaal uu sababo

Heshiiskii looga bxy ahlusuna oo laga cabsi qabo in dagaal uu sababo

0
SHARE

Taliyihii hore ee NISA, haatana ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare sheegay inay muhiim tahay in la fuliyo heshiisyadii dowlada federaalku la gashay maamulka ahlu sunna ee gobolada dhexe.

Musharax Tuuryare ayaa intaas ku daray in Maamulka Ahlu sunna ay u soo dhabar-adeygeen xoreynta degaanada Galmudug, ayna naf iyo maal ku bixiyeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-Shabaab isagoo xusay iney mudan yihiin in loo abaal-gudo oo aan looga bixin heshiisyada lala galay.

“Ahlu Sunna waa koox isku tashatay oo keligood la dagaalamay argagaxiso aduunka dhan u taag waayey, kana xoreeyey degaanadooda, iyagoo aan ALLE mooyee cid kale gacan ka heleynin” ayuu yiri musharax u taagan xilka Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Waxaa uu ka digay khal-khal amni iyo dib u-dhac hor leh oo Galmudug ka dhaca, haddii la fulin waayo qodobadii lagula heshiiyay Madaxda Ahlu sunna.

Dhinaca kale, Musharaxa ayaa ugu baaqay madaxda Ahlu suna iney gacan ka geystaan dhismaha Galmudug mideysan oo hadda dedaalkeeda ay waddo dowlada federaalka Somalia, kaasoo uu sheegay inuu noqon doono mid ka turjumaya mirihii ka dhashay halgankooda.

Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa ka mid ah Musharaxiinta ugu cad-cad hanashada xilka hogaanka sare ee Maamulka Galmudug, isagoo balan-qaaday haddii xilkaas loo doorto inuu wax badan ka bedeli doono xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee degaanada Galmudug.

LEAVE A REPLY