Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday Mas’uuliyiintii hore ee Maxaas

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday Mas’uuliyiintii hore ee Maxaas

0
SHARE

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal loo haysto Qaraxii sanadkan billowgiigsii lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii amniga iyo siyaasadda Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Cali Axmed Guure (Qoyane) iyo Nuur Ibraahim Mahad Alle ayaa lagu wada xukumay dil toogasha ah halka Cabdirxmaan Sheikh Cilmi Cawaale gudoomiyihii hore ee degmada Maxaaas lagu xukumay xabsi daa’in.

Dhammaantood waxaa loo heystaa Qarax uu ku dhintay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Maxaaas Rashiid Cusmaan Cabdi qaraax oo degmada ka dhacay 19/04/2019ka.

Maxkamadda Ciidanka ayaa dhegeysatay dacwado loo heystay dadka,waxaana xeer ilaalinta Ciidamada ay dhowr jeer soo bandhigeen caddeymo iyo codad la duubay oo lagu sheegay in ay falkaasi ku lug lahaayeen.

LEAVE A REPLY