Mid kamid ah Guddiga doorashada uu Magacaabey Sheekh Shaakir oo is casilay

Mid kamid ah Guddiga doorashada uu Magacaabey Sheekh Shaakir oo is casilay

0
SHARE

Waxaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinimadii guddiga doorashada Maamulka Galmudug ee uu dhawaan Magacaabey Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sharmaake Maxamed Warsame  oo kamid ahaa guddigaas.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in uu ka tanaasulay xubinimadii guddiga uu ka tirsanaa sababo la xiriira duruufo isaga u gaar ah.

“Waxaan doonayaa in aan halkan ka cadeeyo in aan ka tanaasulay xubinimadii gudiga doorashooyinka iyo xalinta khilafaadka dowlad goboleedka Galmudug Duruufo aan ii saamaxeen ka mid sii ahaansha gudigaas sidaas darteed waxaan u mahadcelinayaa madaxa xukumadda Dr sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan doorashadii uu ii doortay kamid noqoshada gudigaas ayuu yiri” Sharmaake Maxamed Warsame.

Si kastaba horay ayaa waxaa u jirtay inay is casileen 4 xubnood oo kamid ahaa Guddiga doorashada uu Magacaabey Sheekh Shaakir inay is casileen wallow boosaaskooda uu buuxiyey sidoo kalena ay ansixiyeen Baarlamaanka Galmudug.

LEAVE A REPLY