Sucuudiga oo joojinaya Muxramka Haweenka ku wehliya Xajka iyo Cumrada

Sucuudiga oo joojinaya Muxramka Haweenka ku wehliya Xajka iyo Cumrada

0
SHARE

Dowladda Sucuudiga ayaa qorsheyneysa in ay joojiso Muxramka Haweenka u wehliya xilliyada Xajka iyo Cumrada sida uu wariyey Wargeyska Makkah daily ee ka soo baxa Magaalada Maka.

Marwan Shaaban, oo ah Guddoomiyaha Guddiga  Xajka iyo Cumrada rugta Ganacsiga iyo Wershadaha Sucuudiga ayaa arrintan kala hadlay Wasiirka Xajka iyo Cumrada Mohammed Saleh Benten.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa ku howlan dib u eegis ay ku sameyneyso shuruudda in Haweenka wehel u raaco Xajka.

Shir gaar ah oo ay yeesheen Guddiga iyo madaxda Wasaaradda  sidoo kalena ay ka qeybgaleen dadka ka walaacsan muxramka ayaa lagu qabtay Dalka Sucuudiga.

Abdul Fattah Mashshat, oo ah wasiir ku xigeenka Wasaaradda  Xajka iyo Cumrada, maalgashadayaasha, Hoteeleyda iyo xubno kale oo u dooda xuquuqda haweenka ayaa ka qeybgalay kulanka lagu gorfeynayay arrintan.

Shaaban, ayaa sheegay in Wasiirku uu u ballanqaaday in wasaaraddiisu ay dib u eegis ku sameyneyso arrintan.

Wasiir Batiin ayaa isaguna sheegay kuna amray sharikadaha Xajka iyo Cumrada ka shaqeeya in ay fududeeyaan fiisaha Haweenka islamarkaana xujeyda u fududeeyaan safarka.

Sucuudiga waxaa u degsan qorshe uu ugu magacdaray yoolka  2030ka kaas oo uu ku doonayo in dhaqaalahiisa ku tiirsan shidaalka uu ugu weeciyo dalxiiska iyo maalgashiga.

Dhawaan ayey dowladdu ogolaatay in Haweenka Reer Galbeedka ah iyo Ragga saaxiibka  la ah laga kireynayo Hoteellada iyaga oo aan la weydiin cadeynta  xiriirkooda nolosha.

LEAVE A REPLY