War DEG DEG AH :-Mid kamid ah Guddiga uu Magacaabey Sheekh Shaakir...

War DEG DEG AH :-Mid kamid ah Guddiga uu Magacaabey Sheekh Shaakir oo is casilay

0
SHARE

Saacad  ka hor ayaa Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan waxaa uu Magacaabey Guddiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug,hayeeshee waxaa ku dhawaaqay in uu is casilay mid kamid ah Guddigaas.

Cabdi Shakuur Ciise Xaashi kana mid ahaa Xubnaha Gudiga sidoo kalena ah Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Galmudug ee dhinaca Ahlusunna kasoo galay Galmudug ayaa sheegay in uu is casilay sababtuna ay tahay in aan lagala tashan ka mid qoqoshada Gudigaasi raalina uusan ka aheyn.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa horay u Magacaawday Guddi ka kooban 13 Xubnood,hayeeshee ay diideen hoggaanka Ahlusunna iyo musharixiinta Madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY