Wararki ugu danbeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb

Wararki ugu danbeyay Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Ku Wajahan Magaalada Dhuusamareeb

0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Safarka Ra’iisul Wasaare ayaa waxaa ku wehlinaya xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka, iyagoona saacadaha soo socda tagaya Dhuusamareeb.

Ujeedka Xasan Cali Kheyre ee Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay sidii uu dhameysti lahaa Heshiiska dowladda  Federaalka iyo Ahlusunna ee ku aadan Guddiga farsamaha maamul dhisida Galmudug,kaasi oo si hordhac xalay ay u wada gaareen labada dhinac.

LEAVE A REPLY