Warkii u danbeyay: culus oo dhax maray ciidamada Milatariga iyo kuwa Al...

Warkii u danbeyay: culus oo dhax maray ciidamada Milatariga iyo kuwa Al Shabaab

0
SHARE

Wararka ka imaanaya deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidanka milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahano katirsan Al Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ay ciidanka dowlada ku leeyihiin deegaanka Halgan .

Saraakiil katirsan ciidanka milatariga ee ku sugan deegaanka Halgan ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna saraakiishan meesha ka saareen in khasaaro badan uu kasoo gaaray weerarkaasi.

Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ku qaado saldhigyada ciidanka milatariga Soomaaliya ku leeyihiin qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana weeraradan ka dhasha khasaaro soo gaara labada dhinac ee dagaalama.

LEAVE A REPLY