XOG: Abaabulka Cusub Ee Galmudug,Xaaf & Sheekh Shaakir Oo …..

XOG: Abaabulka Cusub Ee Galmudug,Xaaf & Sheekh Shaakir Oo …..

0
SHARE

Dawlada Dhexe ayaa hakisey Qorshaheedii Galmudug iyo Ololahii ay ka waday maadaama xasarado siyaasadeed iyo Mawjado Culus ku furmeen.Advertisement

Waxa la sheegay in la joojiyey Barnaamijkii siyaasadeed Ee dawlada Dhexe Ee Galmudug ilaa amar dambe sida ay inoo sheegeen ilo madax banaan.

Xafiisyada Madaxweynaha & Kan Ra’iisal Wasaaraha ayaana waxay kala taageerayeen Murashaxiinta kala ah,Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo Cabdi Axmed Cabdullaahi (Cabdi Dheere).

Waxaa lasoo tebinayaa in sidoo kale dib usoo laba kacleynta Xaaf ay dhabar jab siyaasadeed ku tahay Villa Soomaaliya qorshihii ay damacsaneyd.Advertisement

Wararka qaar ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa waxay kuwada hadleen Qadka taleefoonka.

Ilo ku dhaw Madaxtooyada Dhuuso mareeb waxay sheegeen in Shaakir iyo Xaaf ay ku ballameen Kulan ka dhici doono dhawaan Dhuuso mareeb,lagana tashan doono Aayaha Galmudugta la dhagray.Advertisement

Ahlusuna waxay u aragtaa in Qorshaha Villa Soomaaliya uu yahay mid guuldareystay hadii Xaaf iyo Ahlusuna dib umidoobaan oo la baabi’in doono wixii lagu heshiiyey Bishii July Ee Sanadkaan.

LEAVE A REPLY