XOG: Khilaaf Culus oo ka dhex taagan urur diimeedka Ahlusunna ...

XOG: Khilaaf Culus oo ka dhex taagan urur diimeedka Ahlusunna & DF mxa soo kordhay?

0
SHARE

Khilaaf Xooggan ayaa iminka ka dhex taagan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ahlu suna Waljameeca oo horay heshiis u wada saxiixday.Advertisement

Khilaafkan ayaa u muuqda mid curyaaminaya dhismaha maamul Galmudug oo loo dhan yahay,kaasi oo gogoshiisa ay taalo magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Ahlu suna Waljameeca ayaa shaaciyay in Dowladda Dhexe ay uga baxday Heshiiska,islamarkaana lagala tashan guddigii ay magacowday ee dhismaha iyo Farsamada maamulka Galmudug.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in Guddiga Farsamada ay magacowday Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu baal marsan yahay dastuurka,islamarkaana lagala tashan magacaabistaasi.Advertisement

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa soo dhoweeyay tallaabada lagu magacaabay guddigaasi,isagoona faray iney si hufan u gutaan waajibaadkooda.

Ahlusunna ayaa sheegtay in beelaha Galmudug ay xaq u leeyihiin in ay ka tashadaan dhismaha maamulkooda iyadoo aanay faragelineyn Dowladda Federaalka.Advertisement

Sidoo kale, musharaxiinta madaxweynaha Galmudug ee C/raxmaan Odawaa iyo Kamaal Guutaale ayaa ka soo horjeestay guddiga farsamada ee dhismaha maamulka Galmudug,waxayna ku tilmaameen iney yihiin kuwo jeeb ku jira,islamarkaana fuliya wixii la soo faray.

LEAVE A REPLY