XOG: Mooshin saddex jeer laga gudbiyay Xukuumadda Kheyre oo la hor istaagay

XOG: Mooshin saddex jeer laga gudbiyay Xukuumadda Kheyre oo la hor istaagay

0
SHARE

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoonka Golaha shacabka ay hor istaageen 3-Mooshin oo lagula xisaabtami lahaa Xukuumadda Soomaaliya.Advertisement

Xildhibaanka oo hadal ka jeedinayay kulankii arbacadda ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay  in shaqada saxda ah ee Baarlamaanka ay tahay Sharci dajin, Isla Xisaabtan, Korjoogten iyo Matalaad, wuxuuse tilmaamay in aysan jirin Xildhibaano sidaas u og shaqadooda amaba u fushada.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Mahad Salaad in Xildhibaanadda ay 3-Mooshin ka keeneen Xukuumadda,balse la iska tuuray.

“Gudoomiyayaaloow idinka ruuxiina xantiina ayaantaan wey badan tahay, hadii la yiraahdo Wasiir Hebel haloo yeero, hadii la yiraahdo Ra’iisul Wasaaraha Su’aalo halaga keeno, hadii la yiraahdo madaxweynaha halala Xisabatamo inaa horta idinka marka hore soo boodiin oo Maxaa loogu yeeraa aad dhahdiin ayaa halkan idiin taala” ayuu yiri Xidlhibaan Mahad Salaad.

LEAVE A REPLY