XOG: Xog Xasaasi ah oo laga dusiyay Xafiiska RW Kheyre & Wasiiro...

XOG: Xog Xasaasi ah oo laga dusiyay Xafiiska RW Kheyre & Wasiiro xilka looga qaadayo

0
SHARE

Shaki xooggan ayaa ka dhex jira Xukuumadda Soomaaliya oo ku aadan in qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ay xogta qarsoon ee Xukuumadda ay siiyaan mucaaradka Dowladda Federaalka.Advertisement

Illo ku dhow Xafiiska Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa inoo sheegay iney jiraan xogo muhiim ah oo laga dusiyay Xafiiska ra’iisal wasaaraha,kaasi oo ku aadan sida Xasan Cali Kheyre ula dhaqmo Wasiirada marka lagu guda jiro shirarka todobaadlaha ah iyo Xogo kale oo gaar ah u Xukuumadda.

Ra’iisal wasaaraha ayaa arrintaan si aad ah ugu carooday,wuxuuna baaritaan hoose ku wadaa cida bixisa xogta Xukuumadda,waxaana suura gal ah in arrintaan cidii lagu helo xil ka qaadis  ay ku biyo shubato,sida warar hoose aan ku helno.

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa wax kasta oo ka dhex dhaca gudaha xafiiska Ra’iisal wasaaraha dibada u soo saara,kuwaasi oo aan habooneyn in Bulshada loo soo bandhigo.Advertisement

Shakiga ugu weyn ee Xafiiska Ra’iisal wasaaraha uu qabo ayaa ah in arrintaan ay banaanka u soo saari karaan oo keliya Wasiiradii qaarkood iyagoo careysan xilka laga qaaday,kuwaasi oo qaarkood ah warbaahinta si aan habooneyn ula hadlay markii xilka laga qaaday iyo ka dib.

Mas’uuliyiinta qaarkood ee xilka ka qaadista uu ku sameeyay Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa ku eedeeyay Wasiirka koowaad inuusan ixtiraamin Wasiirada iyo shaqaalaha Xafiiskiisa,islamarkaana hab ka baxsan dhaqanka suuban u wajaho.

LEAVE A REPLY