XOG:Tallaabadii Xaaf uu qaaday oo Khilaaf cusub ka dhex abuurtay Maamulka Galmudug

XOG:Tallaabadii Xaaf uu qaaday oo Khilaaf cusub ka dhex abuurtay Maamulka Galmudug

0
SHARE

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in khilaaf cusub uu wajahayo Maamulka Galmudug iyo dhismaha maamulkaasi,kaasi oo ka dhashay ka dib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf uu si rasmi uga laabtay tilaabadii uu ugu wakiishay howlaha maamulka Galmudug Wasaaradda Arrimaha Soomaaliya.Advertisement

Khilaafka cusub ayaa ka dhashay hanaanka Awood qeybsiga beelaha maamulka Galmudug, Magacaabista Guddiga doorashooyinka Galmudug iyo soo xulista xildhibaanada maamulka Galmudug.

Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa la sheegay in faragalin kaga timid hanaanka soo xulista Odayaasha dhaqanka maamulka Galmudug, iyo ku dhawaaqista Guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug.

Sidda ay ilaha xog ogaal ah Risaala u xaqiijiyeen Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarisay guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug, waxaana sidoo kale Madaxweynaha Galmudug oo dhankiisa diyaariyay Guddi doorasho oo ka kooban 12 qof.Advertisement

Dowlada ayaa ku dhawaaqeysaa Guddi doorasho halka sidoo kale Madaxweyne Xaaf uu ku dhawaaqi doono Guddi doorasho.

Madaxweyne Xaaf ayaa taageero ka helaya inta badan beelaha degan Mudug iyo Cadaado, waxaana laga yabaa Guddiga doorashooyinka Galmudug ee dhanka Xaaf in ay kasoo muuqdaan xubno Awood siyaasadeed leh.Advertisement

Galmudug ayaa qarka u saaran in ay yeelato Labo Guddi doorasho oo iska soo horjeedda waxaana dhammaan fashilmay dadaallo lagu xalinaayay Khilaafka Cusub ee Madaxweyne Xaaf iyo dowlada dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY