Akhriso DF maku fashilantay qorshihii Galmudug mise wey ku guuleysatay?

Akhriso DF maku fashilantay qorshihii Galmudug mise wey ku guuleysatay?

0
SHARE

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa  la sheegay  in ay ku guuldareysatey in maamul mideysan ka dhisto deegaanada Galmudug.Advertisement

Aqoonyahan Nuur Shiiq oo kamid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed oo la hadlay idaacadda Simba ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in qorshihii Dowladda maamul u sameynta Galmudug uu fashil kusoo dhamaaday.

Waxa uu sheegay in madaxda Dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer sheegeen in maamul loo dhan yahay loo sameyn doono Galmudug,balse arintii ay isku badashay awood ciidan loo adeegsado Maamulkii Ahlusuna ee Dowladda la heshiiyay.

Hadalka Aqoonyahan Nuur Shiiq ayaa imaanaya xili Dowladda Soomaaliya ay la wareegtay dhamaan xarumihii Maamulkii Ahlusuna Waljameeca, Sida Guriceel,Matabaan iyo Dhuusa-mareeb.

LEAVE A REPLY