Akhriso QM oo war Culus ka soo Saartaz Khilaafka u dhaxeya...

Akhriso QM oo war Culus ka soo Saartaz Khilaafka u dhaxeya Dowlada Somaliya iyo Maamul Gobaleedyada

0
SHARE

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramaada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan oo khudbad u jeedinaayay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si deg deg ah ugu baaqay dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda qaarkood in ay xaliyaan Khilaafka ka dhex taagan.

Waxaa sheegay in hanaanka doorashadda dalka ay ku tahay caqabad weyn khilaafka labada dhinac, islamarkaana loo baahan yahay in lasoo afjaro si loo helo qorshe siyaasadeed oo mideysan.

Muddo ka badan hal sano ayuu xusay in uu jiro khilaaf ka dhex taagan dowladda dhexe ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda, Jubbaland iyo Puntland.

“Horumar laga gaaro ajendaha himilada leh ee 2020 wuxuu u baahan doonaa heerar sare oo isafgarad siyaasadeed. Tani waxay horseedi doontaa wada hadal iyo isu tanaasul u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka”ayuu yiri James Swan.

“Kadib in kabadan hal sano oo aan laheyn iskaashi wax ku ool ah oo udhaxeeya Dowlada Dhexe iyo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka, xaaladdani waxay caqabad ku noqotey hagaajinta iyo gaarista waxyaabaha mudnaanta u leh qaranka. Hoggaamiyaasha Soomaaliya waa inay si deg deg ah wax uga qabtaan si loo kala lasoo afjaro ismari waaga udhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda”ayuu hadalkiisa kusii daray James Swan.

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.