Daawo sawirada shacabka magaalada Baladweyne oo loo qaybiyay deeq ay soo dhiibeen...

Daawo sawirada shacabka magaalada Baladweyne oo loo qaybiyay deeq ay soo dhiibeen shacabka magalada ee galmudug

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaaalada Baladweyne ayaa sheegaya in deeqdii macawinada ahyd ee iska soo aruuriyeen shacabka magaaalada gaalkacyo ee galmudug in maanta loo qaybiyay shacabka magaaalada Baladweyne

Deeqdan oo ay soo direeen shacabka gaaalkacyo ee galmudug ayaa loogu talagalay dadka ay saameeyeen fatahaada wabiga kuwaasi oo ku nool duleedka iyo gudaha magaaalada Baladweyne

Qaar ka mida shacabka magaaalada Baladweyne oo deeqdan helay ayaa hobyomedia u sheegay in ay u mahad celinayan shacabka magaaalada galkacyo ee galmudug sida ay ugu dhiiradeen ka qayb galka gurmadka shacabka magaaalada Baladweyne

Dhanka kale qaar ka mida dhalinyaradii loo soo wakiishay in deeqdan ay gaarsiiyaan shacabka magaaalada Baladweyne ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiib in si nabad ah ay u qaybiyaan deeqdii loo soo wakiishay

Xafiiska wararka hobyomedia ee Baladweyne

LEAVE A REPLY