Hoggaamiyaha cusub ee Daacish oo lagu dhawaaqay

Hoggaamiyaha cusub ee Daacish oo lagu dhawaaqay

0
SHARE

Ururka ISIS ama Daacish ayaa si rasmi ah u xaqiijisay geerida Abu Bakr Al-Baghdadi oo dhawaan Ciidanka Mareykanka ay sheegeen in ay ku dileen howlgal qorsheysan oo ka dhacay Suuriya.

Kooxda Daacish Sidoo kale ku dhawaaqday qofkii badali lahaa Baqdaadi oo lagu Magacaabo Abu Ibrahim Al-Hashimi Al-Qurayshi.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 27-dii Bishaan ku dhawaaqay in hogaamiyihii ururka ISIS, Abu Bakr al-Baghdadi, lagu dilay weerar milatariga Mareykanku ka fuliyay Sabtidii  Gudaha Syria.

Abu Bakr al-Baghdadi, hogaamiyihii ISIS ayaa noqday ninkii loogu doon doonista badnaa dunida.

LEAVE A REPLY