Wararkii ugu danbeyay :-Hoggaanka Ahlu sun oo shir deg deg ah ka...

Wararkii ugu danbeyay :-Hoggaanka Ahlu sun oo shir deg deg ah ka leh arrinta Matabaan & Cidanka dowlada oo …..

0
SHARE

Wararka naga soo gaarayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi kulamo xasaasi ay uga socdaan Hoggaanka Ahlu suna.Advertisement

Madaxa Xukuumadda Galmudug,sidoo kalena ka mida ah hoggaanka Ahlu suna iyo Guddoomiyaha Kooxdaasi Sheikh Macalim Maxamuud ayaa lagu soo waramayaa inuu kulan uga socda magaalada Dhuusamareeb,kaasi oo ay uga arrinsanayaan xaaladda ka soo cusboonaatay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

Illo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa inoo sheegay iney suurta gal tahay in Hoggaanka Ahlu suna saacadaha soo socda ay soo saaraan go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Dowladda Federaalka ay ka wado deegaanada Galmudug gaar ahaan degmada Matabaan iyo magaalada Dhuusamareeb.

Guddoomiyaha degmada Matabaan iyo Ciidamada degmada ayaa waxay ku sugan yihiin duleedka Matabaan halkaasi oo ay difaac adag ka xirteen,waxaana gudaha degmada ku sugan Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo uu horkacayo Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya,kaasi oo maanta dagaal kooban ka dib gudaha u galay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.Advertisement

Guddoomiyaha degmada Matabaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isaga iyo Ciidankiisa ay banaanka ka joogaan degmada,islamarkaana duulaankii maanta lagu soo qaaday uu kaga dhintay hal askari,wuxuuna hoosta ka xariiqay iney amar ka sugayaan hoggaanka ahlu suna haddii ay dagaal qaadayaan iyo in kale.

LEAVE A REPLY