XOG: KACDOON ka dhan ah Farmaajo oo laga abaabulayo Muqdisho

XOG: KACDOON ka dhan ah Farmaajo oo laga abaabulayo Muqdisho

0
SHARE

Siyaasiyiinta iyo Xisbiyada mucaaradka ahaa ayaa qaban qaabinaya banaanbaxyo waa weyn oo ka dhaca magaalada Muqdisho,kaasi oo lagu dhaliilayo hannaanka maamul ee Madaxda Villa Soomaaliya.Advertisement

Sida wararka aan ku heleyno qorshahan ayaa wuxuu si aad ah kaga socdaa xarumaha Barakacayaasha ee ku yaalo gudaha magaalada Muqdisho iyo bannaankeeda.

Kooxo dhalinyaro ah oo abaabulan kana kala socda Xisbiyada dalka ayaa si hoose loogu xilsaaray howshan waxayna dhaq dhaqaaq wacyigelin iyo baraarujin ah ka wadaan qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhalinyaradan ayaa dadaal ku bixinaya sidii ay dadka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir isugu soo bixin lahaayeen si ay qeyb uga noqdaan banaanbaxyada lagu wado iney ka dhacaan magaalada Muqdisho.Advertisement

Lama oga xilliga ay banaanbaxyada dhacayaan,balse waxaa inagu maqaalo ah iney socdaan qorshahaasi,waxaana dhanka kale la sheegayaa in Dowladda Federaalka ay dadaal ku bixineyso sidii ay kaga hortagi lahaayeen.

Qaar ka mid ah Culimada ayaa horay uga digay iney magaalada Muqdisho ka dhacaan dibad-baxyo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Soomaaliya.Advertisement

Guuxaan oo horay u jiray ayaa lagu guuleysan iney sidii loogu talagalay u dhacaan,maadama Hay’adaha ammaanka ay galeen feejignaan dheeri ah.

LEAVE A REPLY