Xogtii u Danbeysay Ahlusunna oo labo garab u kala jabtay kadib dagaalki...

Xogtii u Danbeysay Ahlusunna oo labo garab u kala jabtay kadib dagaalki matabaan maxaa soo kordhay?

0
SHARE

Ururka Ahlusunna ayaa u qeybsamay labo dhinac ka dib markii maanta dagaal uu ka dhacay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan oo Muddo dheer ay gacanta ku haayeen,islamarkaana ugu dambeyntii lagala wareegay.

Gudoomiyaha Ururka Ahlusunna ee degmada Matabaan ayaa warbaahinta u sheegay in Ciidamo uu hoggaaminaayay Wasiirka Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ay weerar kusoo qaadeen Magaalada ayna dileen Shacabka iyo Ciidamo ka tirsan Ahlusunna.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Gudoomiyaha Ahlusunna in Magaalada duleedka ay ku sugan yihiin ay sugayaan Amarka Madaxda Ahlusunna.

Ducaalle aadan Cabdi Ciise oo ah Gudoomiye ku xigeenka dhanka Amniga iyo siyaasadda ee degmada Matabaan ayaa Risaala u sheegay in Wasiirka ay Magaalada kusoo dhaweeyeen ,islamarkaana Ciidamo tiro yar oo maamulkii Ahlusunna ee Galmudug ku biiray ay isku dayeen in ay Carqaladeeyaan lagana hortagay.

Waxaa uu sheegay in ay taageersan yihiin hanaanka dowladda dhexe ee Soomaaliya ay wax ku waddo.

Xubin muhiim ah oo ka tirsan Ahlusunna ayaa Risaala u sheegay in labadda dhinac ee Ahlusunno noqotay ay kala taageerayaan maamulada degmooyinka Matabaan,Guriceel iyo Dhuusamareeb.

Wafdiga Wasiirka waxaa ka mid ahaa Generaal Mascuud oo ka mid ahaa Saraakiisha ugu sareysay Ahlusunna ee dhawaan ku biiray Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY