Maamulka Galmudug ayaa Caawa Shaaciyay in ay soo afjareen dagaalkii ay kula jireen Xarakada Al-shabaab ee ka socday Bariga Gobolka Mudug ee Galmudug.
Wasiirka Warfaafinta Galmudug Maxamuud Cismaan Mesagawaay oo Caawa la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Dagaalkiika socday Bariga Gobolka Mudug ee u dhexeeyay Al-shabaab iyo Maamulka Galmudug la soo Afjaray oo Al-shabaab halkaa lagu jabiyay sida uu hadalka u dhigay.
Maxamuud Cismaan Mesagawaay ayaa intaa ku daray in Galmudug ay Al-shabab dagaalkaas uga dishay 110 Dagaalame islamarkaana ay Nolosha ku qabaty 105 ay ku jiraan qaar dhaawac ah.
Hadalka Galmudug ayaa imaanaya iyadoo Ciidamada Galmudug iyo Shabaab ay Bariga Gobolka Mudug maalmahaan ku dagaalamayeen. Halkan Hoos eka Dhageyso Waraysiga Wasiirka Warfaafinta Galmudug