Waxaa laga cabsi qabaa haddii xaaladda Galmudug sidan ku sii socoto iney shacabka Galmudug yeeshaan saddex madaxweyne oo saddex magaalo kala duwan fadhiya si la mid ah maamulka Jubbaland.
Dadka Siyaasadda aadka ula socda ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka ay ku guuleysan la’dahay mideynta Shacabka Galmudug,islamarkaana u yagleesho hal maamul oo lagu mideysan yahay.
Shirar gaar gaar ah ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb,waxayna caqabada ugu weyna ka taagan Ahlu suna Wal-jameeca oo dhinac uga beertay maamulka Galmudug,kuna dhawaaqday iney sameysaneyso maamul u gaar ah.
Maamulka Ahlu-Sunna ayaa doorasho u gaar ah kaga dhawaaqday magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ay qaadaceen jadwalkii ay soo saareen guddiga u xil saaran doorashooyinka Galmudug.
Ahlu-Sunna ayaa horay waxa ay u sheegtay in aysan la dhacsanayn qaabka guddiga doorashooyinku wax u wadaan, isla markaasina ay sheegtay in xubnaha guddigu ay afduuban yihiin .
shalay oo taariikhdu ku beegneyd 22-Jan-2020 ayay Ahlu-Sunna Jadwal cusub kaga dhawaaqday magaalada Dhuusamareeb xarunta u ah Galmudug.
Beelo kale oo dega Galmudug ayaa iyaguna shaaciyay ineysan ku qanacsaneyn siday wax uga socdaan magaalada Dhuusamareen,waxaana eeda ugu badan dusha looga tuuray Dowladda Federaalka.
Musharaxiinta mucaaradka ayaa dhankooda wada abaabul ka dhan ah Dowladda Federaalka iyo damaceeda guracan ee Galmudug.