Musharax Madaxweynaha Maamulka galmudg Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa xukuumadda Soomaaliya waxaa uu ku eedeeyay in ay kala qeybisay maamulka Galmudug.
Mr Odawaa Waxaa uu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu yimid deegaannada Galmudug, iyada oo ay dhisneyd Galmudug mid ah,hayeeshee xiligan ay jiraan dhowr Galmudug, taasina waxaa uu ku sheegay in ay tahay dhibaato.
Sidoo kale Xildhibaan Odawaa ayaa xukuumadda ku dhaliilay in hadda ay wado awood lagu dhisayo maamulka Galmudug.
Dhismaha maamulka Galmudug ayaa xiligan waxaa hareeyay khilaaf aan dhamaad laheyn.