Home WARARKA GALMUDUG Taliyaha Saldhigga Degmada Waabari oo xiray wariye Cali mahad Kadiye

Taliyaha Saldhigga Degmada Waabari oo xiray wariye Cali mahad Kadiye

0

Xilli Hay adaha u dooda Xaquuqda Saxaafadda Soomaaliya ay sheegeen in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Xarig iyo Cabutin ku hayso Wariyaasha ka howlgala Dalka ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay Xalay xireen Wariye Cali mahad Ibraahim Kadiye oo ka shaqeeya Idaacad ku hadasha Afka Maamulka Gobolka Benaadir iyo Dowladda hoose ee Xamar.

Sawirka wariye ali mahad kadiye

Cali mahad ayaa la sheegay inuu xiray Taliyaha Saldhiga Degmada waabari ee Magaalada Muqdusho.
Wararka ayaa sheegaya in Xiliga la xiray Saxaafiga lagu magacaabo Cali mahad Kadiye uu ku guda jiray Howshiisa Saxaafinimo.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Booliska Soomaaliya oo ku aadan Xariga Wareiye Cali mahad Ibraahim Kadiye.

Hobyomedia Muqdisho Office

Ku xirnow markasta Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here