Home WARARKA GALMUDUG War dag dag ah:-Mas’uuliyiin Wadada loo galay & Dagaal Hadda Socda

War dag dag ah:-Mas’uuliyiin Wadada loo galay & Dagaal Hadda Socda

0

Warar goordhaweyd galabta naga soo gaaray Gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay weerar gaadmo ah.

Hujuumka ayaa ka dhacay Deegaanka Danow iyadoo ciidamada dawlada oo galbinayey kollonyo gaadiid ah uu la socday Gudoomiyaha Qoryooleey Jidka loo galay.

Dagaal culus ayaa socda oo udhaxeeya Kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamadii Gudoomiyaha la socday.

Kollonyada la beegsaday waxay ka yimaadeen Magaalada Marka,waxaana jira khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Weli si rasmi ah looma sheegi karo khasaaraha iyo inuu weerarka ka bad baaday Sayid Cali Ibraahim oo ah Gudoomiyaha Degmada Qoryooleey.

NAGA FILO WIXII SOO KORDHO WEERARKAASI SH/HOOSE INSHA ALLAAH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here