Home WARARKA GALMUDUG Akhriso Qoor Qoor oo Ahlusuna gacatooda ka baxiyay ilihii dhaqalaha ka...

Akhriso Qoor Qoor oo Ahlusuna gacatooda ka baxiyay ilihii dhaqalaha ka soo gali jiray

0

Ciidamada dowladda federaalka ee ka howlgala magaalada Dhuusamareeb, islamarkaana hoos taga madaxweynaha Galmudug ee garabka dowladda, Axmed Cabdi Qoor Qoor ayaa Habenkii xalay ahaa la wareegay maamulka maaliyadeed ee baraha Control ee laga soo galo magaalada Dhuusamreeb.

Controllada laga soo galo magaalada, oo lagu qaado canshuur ay bixiyaan gadiidleyda is-ticmaasha wadada dheer, ayaa waxa ay ku dhici jirtay khasnadda Ahlu-Sunna, waxaana u qaabilsanaa nin ay walaalo yihiin Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo lagu magacaabo Maxamuud Cali Xasan.

Caawa kadib canshuurta ka soo xaroota inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Dhuusamareeb oo horay ugu dhici jirtay khasnadda Ahlu-Sunna ayaa loo weeciyey khasnadda wasaaradda maaliyadda ee maamulka Galmudug.

Hoggaanka Ahlu-Sunna oo khilaaf badani kala dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Madaxweyne Qoor-Qoor ayaan arrintan weli ka hadlin.

Ahlusuna waxa soo fuuli doona culays xoogan madama ilihii dhaqalaha ay gacatooda ka baxeen waxana taasi ay sababi doonta in ahlusuna xubno muhiim ah ay ku soo biiraan Maamulka uu hogaamiyo Qoor Qoor

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here