Home WARARKA GALMUDUG Akhriso sh shaakir & Macalin Maxamud oo arimo xasaasi ah isku khilaafay

Akhriso sh shaakir & Macalin Maxamud oo arimo xasaasi ah isku khilaafay

0

Sheikh Maxamed Shaakir iyo Macali Maxamuud oo ka mid ah Hoggaanka sare ee Kooxda Ahlu suna oo xalay ku shiray magaalada Dhuusamareeb ayaa isla meel dhigay xilliga ay dhaceyso xafladda caleema saara madaxweyne Sheikh Shaakir iyo qaabka ay u dhaceyso.Advertisement

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Labada mas’uul ayaa inoo sheegay iney isku fahmi waayeen Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamuud Xafladdaas iyo cida loogu yeerayo iney ka soo qeyb gasho.

Sheikh Shaakir ayaa soo jeediyay in xarunta Inj.lagu qabto Xafladdiisa caleema saarka,wuxuuna u sababeeyay xaaladda ammaan iyo jawiga sida uu noqon doono maalinta xafladda si looga baaqsado qalalaaso dhaca.

Macalin Maxamuud ayaa soo jeediyay in gabi ahaanka la iska dhaafo Xaflad caleema saar,maadama wax kasta ay suurta gal yihiin iney dhacaan si looga fogaado fowdo iyo qalalaaso ka dhaca magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.Advertisement

kulanka oo ahaa mid Labada Mas’uul Albaabada u xiran yihiin ayaa ugu dambeyn natiijo la’aam ku soo idlaaday sida xog aan ku helnay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here