Home WARARKA GALMUDUG Daawo bananbax lagu tagerayo madayweynaha dowlada ay wadato oo ka dhacay galkacyo...

Daawo bananbax lagu tagerayo madayweynaha dowlada ay wadato oo ka dhacay galkacyo cadado iyo….

0

Dibadbaxyo xoogan oo lagu taageerayey hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa maanta ka dhacay deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Banaanbaxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa si isku mid ah waxa ay uga dhaceen magaalooyinka Dhuusamareeb, Cadaado, Caabudwaaq iyo Gaalkacyo.

Boqolaal dadweyne ah oo taageersanaa doorashada hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee magaalooyinkaasi.

Sidoo kale dibadbaxayaasha oo watay boorar ay ku xardhan yihiin sawrirka madaxweynaha cusub ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo ku xigeenkiisa ayaa ku qeylinayey erayo ay ku soo dhoweynayaan mas’uuliyiintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here