Home WARARKA GALMUDUG Daawo sawirada Ahmed madoobe oo ciidankiisa u tagay isagoo tuutaha dagaalka xiran

Daawo sawirada Ahmed madoobe oo ciidankiisa u tagay isagoo tuutaha dagaalka xiran

0

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Ciidamada Darawiishata Jubbaland ee ku sugan furimaha hore ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab gaar ahaan aaga dagmada Jamaame.

Madaxweynaha ayaa halkaas u tagay si uu u dhiiri galiyo ciidamada Jubbaland ee kaabiga ku haya dagmada Jamaame iyo deegaanada kale ee gobolka Jubbada Hoosse oo ay wali maamulaan dagaalyahanada Al Shabaab.

Waxaa Madaxweynahu uu halkaas kula kulmay sarakiisha hogaaminaysa hawlgalladan iyo masuuliyiin kale isaga oo ku booriyay in ay sii laba jibaaran hawlgalka socda si kooxda Al-Shabaab looga dul qaado dhibaatada ay dadka shacabka ah ku hayaan.

Waxaa uu sheegay Axmed Madoobe in dagmooyinka gobolka Jubbada Hoose ee gacanta Al Shabaab ku jira ay socdaan hawlgalladii lagu xorayn lahaa sidoo kalana Ciidamada Darawishta Jubbaland ay dhaqdhaqaaqyo wax ku ool ah ka wadaan qaybo kamid ah gobolka Jubbada Dhexe iyada oo hawlagalladii u danbeeyay ee ciidamada aagaas ku wajahan ay ka fuliyeen agagaarka dagmada Xagar .

Ciidamada kala duwan ee hawlgalkan iska kaashanaya oo kala ah Ciidamada Darawiishta Jubbaland Ciidamada Xooga Dalka iyo Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayuu Madaxweynahu sheegay in ay cashar u dhigeen Al Shabaab maalmaha soo socdana ay gaari doonan guulo cusub.

Booqashada dhiiro galinta ah ee Madaxweynaha Jubbaland ku tagay aaga dagaalka ee degmada Jamaame ayaa kusoo aadeysa xili ciidamada huwanta ah ay wadaan howlgalo ka dhan ah Al Shabaab gaar ahaan degmada Jamaame.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here