Home WARARKA GALMUDUG Daawo sawirada qoor qoor iyo sarakiil Ethopian ah oo goaan culus...

Daawo sawirada qoor qoor iyo sarakiil Ethopian ah oo goaan culus isla meel dhigay

0

Madaxweynaha Galmudug Ee Dawlada Soomaaliya Aqoonsan tahay Axmed Cabdi Kaariye (Qoor) ayaa waxa uu maanta la kulmay Saraakiisha Ciidamada AMISOM.

Kulankaan oo ka dhacay Dhuuso mareeb ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo sii adkeyn lahaa Amniga islamarkaana Deegaanada Shabaab ka joogaan Galmudug uga qeyb gali lahaayeen in la xoreeyo.

Qoor qoor ayaa kaga mahad celiyey doorka Wanaagsan Ee AMISOM Sugida Nabad gelyada Deegaanada Galmudug.

Waxa uu sidoo kale sheegay madaxweyne qoor qoor in ay kawada hadleen Saraakiishaasi sidii Ciidamada Soomaaliyeed looga caawin lahaa dagaalka Al Shabaab looga saarayo Deegaanada ay joogaan.

Saraakiishaasi maanta oo Arbaco aheyd Qoor qoor la kulmay ayaa waxay ubadnaayeen kuwo ka socday Dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here