Home WARARKA GALMUDUG Daawo SAWIRRO: Jubbaland oo soo bandhigtay ciidan & Hub loogu talagalay qabashada...

Daawo SAWIRRO: Jubbaland oo soo bandhigtay ciidan & Hub loogu talagalay qabashada Baladxaawo iyo ciidanka qaranka oo ……

0

Wararka ka imaanaya deeganka Dhoobley iyo nawaaxigiisa ayaa sheegaya inuu Howlgalo lagu sugayay amniga ka dhacay deegaannada Dhoobley, Diif, Hoosingo, Dhuyac iyo Garoon Gariley .

Sido kale Ciidamada Jubbaland Sheegtay iney howlgalka ka sameeyeen deegaanadaasi ayaa soo bandhigay dhoolatus Xoogan, kadib markii lasoo bandhigay Boqolaal ciidamo ah oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan ayaa isugu jira ciidanka booliska, ciidanka nabad-sugidda iyo ciidanka Daraawishta Jubbaland.

Xilli ay ku sugnaayeen duledka magalada Dhoobley, ayaa waxaa ciidanka la hadlay masuuliyiin ka tirsan maamulka deegaanka Dhoobley oo ay kamid yihiin taliyaha amniga deegaanka gaashaanle dhexe Haybe Axmad Cabdulaahi, guddoomiyaha deegaanka Siyaad Maxamad Xassan, madaxa maaliyadda deegaanka Assad Qorane Dhagjar iyo abanduulaha taliyaha hawlgalka xoraynta gobolka Jubbada Dhexe.

Masuuliyiintaan ayaa wacad ku maray in aysan u dul qadanayn dadka cadawga ku ah Jubbaland sida Al-Shabaab iyo kuwa la hal maala islamarkaana waxay hoosta ka xariiqeen in ay gudan doonaan waajibaadka ka saaran difaaca Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here