Home WARARKA GALMUDUG DEG DEG+Daawo : Raggii Dilay Marxuumad Caasho Ilyaas Oo goordhow la toogtay

DEG DEG+Daawo : Raggii Dilay Marxuumad Caasho Ilyaas Oo goordhow la toogtay

0

Goob fagaaro ah oo ku taalla Magaalada Boosaaso ayaa Goordhow waxaa lagu toogtay laba kamid ah ragii lagu helay kufsigii iyo dilkii loo geystay marxuumad Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige ayaa lagu fuliyay xukunkii Dilka toogashada ahaa, kuwaasi oo dilay Marxuumad Caasho, halka Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame laga reebay.

Sidoo kale Xukmanaha saddexaad ayaa mudda 10 cisha ah dib loo dhigay kiiskiisa kadib markii uu Codsaday Ilyaas Aaden oo ah Aabbaha dhalay Caasho Ilyaas Aadan oo 12 jir aheyd.

Raggan ayaa 12-May sanadkii 2019-kii waxaa xukun dil ah ku riday maxkamadda darajada koowaad ee Garoowe, iyadoo xukunkaasi 30-kii June ay ku raacday mida Rafcaanka.

Caasho Ilyaas Aadan ayaa bishii February ee sanadkii la soo dhaafay 2019-kii la’isugu daray kusfi iyo dil, waxaana dhacdadaasi ay si weyn u taabatay guud ahaan dadka Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey falkaasi foosha xun.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here