Home WARARKA GALMUDUG Mareykanka oo sheegay in Kenya ay amni dari ku soo wajahan thy

Mareykanka oo sheegay in Kenya ay amni dari ku soo wajahan thy

0

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa shaacisay xog ay heleen sirdoonkooda, taasi oo ah in la maleegayo weeraro argagaixiso ay ka dhacaan Guud ahaan dalkaasi Kenya Gaar ahaan Magaalada Nairobi.

Safaarada ayaa muwaadininta u dhashay Mareykanka iyo ajaanibta reer galbeedka ah ugu digtay weerarada ay ku tilmaameen argagaixisada, waxa ayna digniintoodaasi ku sheegeen in weeraradaasi laga yaabo in lagu qaado goobaha dadweynaha isugu yimaadaan si khasaaraha uu u siyaado.

Waxa kale oo ay sheegeen in ay suurtagal tahay in weerarada argagaixiso lala beegsado Hoteelada, Maqaaxiyada, Suuqyadawaaweyn iyo xarumaha dowladda.

Laamaha ammaanka ee dalka Kenya ayaa lagu dhaliilaa in aysan dhag jalaq u siin digniinahaan oo kale oo ay reer Galbeedka kasoo saaraan khataraha amni ee suurtagalka ah ee dalkaasi Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here