Home WARARKA GALMUDUG War deg deg ah Ciidamada AMISOM iyo dowlada oo la wareegay xarumo...

War deg deg ah Ciidamada AMISOM iyo dowlada oo la wareegay xarumo ku yaal dhuusamareeb mxaa soo kordhay ?

0

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalalka Jabuuti iyo Itoobiya ayaa si buuxda ula wareegay amaanka xarunta ay saakay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

Doorashada ayaa la filayaa in ay ka dhacdo xarunta gobolka oo sidoo kale hada ah Madaxtooyada KMG ah uu ku shaqeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka sidoo kale la qorsheeyay in uu dego Madaxweynaha la doorto ee Galmudug.

Ciidamada AMISOM oo gaadiidka dagaalka ku gaashaamaan ayaana la wareegay xarunta ay Doorashada ka dhaceyso, waxa ay sidoo kale ciidamada joogaan aaga ku dhaw xarunta doorashada.

Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu daadiyay qeybo badan oo kamid ah magaalada dhuusomareeb, waxa ayna ciidamada ku jiraan feejignaan dheeraad ah iyagoona xiray wadooyin badan oo magaalada dhax mara.

Amaanka magaalada Dhuusomareeb ayaana saakay si weyn loo adkeeyay, waxaana magaalada si weyn looga dareemayaa doorashada maanta ka dhaceysa ee lagu dooranayo Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here