Home WARARKA GALMUDUG Xog;-Dowlada fadaralka oo markii qoor qoor ay gaysay galmudug miisaniyadii galmudug la...

Xog;-Dowlada fadaralka oo markii qoor qoor ay gaysay galmudug miisaniyadii galmudug la kordhiyay

0

QGolaha Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta oo arbaco ah ansixiyay miisaaniyada 2020 oo wasaaradda maaliyada ay horgeysay dhawaan.

64 xildhibaan oo kulanka maanta xaadir ahaa ayaa dhammaantood ogolaaday, kadib markii ay ka doodayeen maalmihii la soo dhaafay sida uu sheegay guddoomiye Dr. Maxamed Nur Gacal.

Miisaaniyada 2020 ee Galmudug ayaa lagu qiyaasay $17,230,54 milyan, taasoo muujinaysa koror balaaran marka loo barbardhigo tii sanadkii 2019 oo ahayd $6,960,705, iyadoo cel celis ahaan ay korortay 147%.

Hoggaanka cusub ee Galmudug ayaa xooga saaraya hagaajinta maamulka maaliyada, sare-u-qaadida daqli gudaha iyo hirgalinta kaabayaal dhaqaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here