Home WARARKA GALMUDUG 14 kan dal hadad ka timadid gudaha uma gali doontid Somalia...

14 kan dal hadad ka timadid gudaha uma gali doontid Somalia (Akhriso mgcyada dalalkas )

0

Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah Waxa ay sheegtay in ay gali doonaan karantiil mudo 14 beri ah oo ka
bilaabanaysa maalinta ay yimaadaan dhammaan Muwaadiniinta ka yimaadda dalalka ah.

1. Shiinaha
2. Yurub
3. Maraykanka
4. Koonfurta Kuuriya
5. Australia
6. Canada
7. Turkiga
8. Pakistan
9. Masar
10. Hindiya
11. Imaaradka Carabta
12. Malaysia
13. Sacuudiga
14. Koonfur Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duulimaadyadda dalka ay fasaxday muddo labo maalmood ah si ay dalka u yimaadaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Caalamka ku xayiran .

Duulimaadyadda ayaa la joojin doona Muddo labo maalmood kadib markii ay dalka yimaadaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran qaar ka mid ah Garoomadda Caalamka sidda ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here