Home WARARKA GALMUDUG Aqri:-Qoor qoor oo barlamaanka galmudug mar labaad garab waydiistay

Aqri:-Qoor qoor oo barlamaanka galmudug mar labaad garab waydiistay

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa mar kale Baarlamaanka Galmudug ka codsaday in ay siiyaan waqti dheeraad ah uu kusoo magacaabo golihiisa Wasiirada.

Kulan maanta magaalada Dhuusomareeb ku yeesheen Baarkamaanka Galmudug ayey kaga doodeen codsiga uga yimid Madaxweynaha Galmudug oo ku guul dareestay waqtigii loogu tala galay in uu kusoo magacaabo golaha Wasiirada maamulkiisa.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid oo manta hortagay Baarlamaanka Galmudug ayaa u gudbiyay Baarlamaanka codsiga Madaxweynaha ee ku aadan in mudo dheeraad ah ugu daraan waqtiga xukuumada kusoo dhisayo.

Baarlamaanka Galmudug ayaa dood dheer ay arintan ka yeesheen kadib waxa ay aqbaleen codsiga Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor, waxa ayna Baarlamaanka siiyeen mudo kale oo kusoo dhiso Xukuumadiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaan wali loo caleemo saarin xilka loo doortay, waxa uuna Madaxweynaha ku guul dareestay in waqtigii loogu tala galay kusoo dhiso golihiisa Wasiirada, waxa uuna markii labaad codsaday in  waqti dheeraad ah la siiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here