Home WARARKA GALMUDUG Wararkii ugu danbeeyay ee dhuusamareeb

Wararkii ugu danbeeyay ee dhuusamareeb

0

Xaaladda deganaasho ayaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb ka dib labadii habeen ee la soo dhaafay oo ay ku jirtay xaalad dagaal iyo cakirnaan siyaasadeed.Advertisement

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada si buuxda gacanta ugu haya,iyagoo ka awood roonaaday ciidankii Ahlu suna ee magaalada Kula sugnaa,waxaana caawa ammaanka Hoggaanka Ahlu suna sida Sheikh Shaakir iyo Macalin Maxamuud sugaya ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb.

Shacabka ayaa si aad ah iskula dhexmaraya isbedelka dhacay iyo siday wax kasta halmar isku badaleen.

Xarunta Inji oo xalay ilaa iyo saakay ay ka dagaalamayeen ciidanka Ahlu suna ayaa caawa Hooy u ah ciidanka Dowladda Federaalka qeybahooda kala duwan,waxaana degan xaaladda guud ee magaalada Dhuusamareeb.Advertisement

Hoggaanka Ahlu suna ayaa hadda lagu ilaalinayaa guri ku yaalo magaalada Dhuusamareeb,waxaana isku gadaamay ciidamada Dowladda Federaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here