Home WARARKA GALMUDUG Xog mxa ka jira cabdi qaybdiid inuu xaaf ku qanciyay inuu dhuusamreb...

Xog mxa ka jira cabdi qaybdiid inuu xaaf ku qanciyay inuu dhuusamreb tago

0

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu wadaa Xog la helay inuu gaaro magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug,halkaasi oo ay ku sugan qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada mucaaradka ah.Advertisement

Axmed Cabdi Salaam safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Itoobiya ayaa sheegay in maalmaha soo soco uu magaalada Dhuusamareeb soo gaarayo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo maamul cusub ku heysto magaalada Gaalkacyo,kaas oo ka biyo diidan doorashada madaxda cusub ee Galmudug.

Xaaf ayaa qeyb ka noqonaya dadaalo la doonayo in meesha looga saaro khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta Galmudug,islamarkaana lagu taageero madaxweyne Qoor Qoor.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa hadda ku sugan Xildhibaanada kala ah, Mahad Salaad,Axmed Macalin Fiqi,Shuuriye iyo siyaasiyiin kale kuwaas oo horay u diiday doorashadii ka dhacday magaalada Dhuusmareen,islamarkana hadda u xuubsiibtay iney la shaqeeyaan maamulka Qoor Qoor aqbalayna baaq uga yimid madaxda cusub ee Galmudug.Advertisement

Magaalada Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa iney ka dhacdo xafladda caleema saarka madaxda cusub ee Galmudug,taas oo ay u dhan yihiin mucaarad iyo muxaafad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here