Home WARARKA GALMUDUG Akhri :-Puntland oo Ciidamo geysay deegaanadi lagu dglmy goordhaw iyo abaabul ciidan...

Akhri :-Puntland oo Ciidamo geysay deegaanadi lagu dglmy goordhaw iyo abaabul ciidan oo ka socda dhanka galmudug

0

Wararka laga helayo degaanka Teerage oo ku yaalla galbeedka magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in Puntland halkaasi ay geysay Ciidamo farabadan,kadib markii ay ku dagaalameen maleeshiyaad kasoo kala jeeda Galmudug iyo Puntland.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland ayaa la sheegay in saaka ay halkaasi tageen,isla markaana badi ay isku fdiiyeen deegaanka teerage ee lagu dagaalamay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ay fariisimo la sameysteen deegaankii lagu dagaalamay oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Puntland.

Dhaq dhaqaaqyo Ciidan in xiisad dagaal ayaa ka taagan degaanka Teerage ee Galbeedka Magaalada Gaalkacyo,waxaana jirin cid ilaa iyo hadda ka hadashay dagaalkii dhacay ee labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Qaar kamid ah dadka degan deegaanka lagu dagaalamay ee Teerage ayaa waxaa ay bilaabeen inay barakacaan,iyaga oo ka cabsi qaba in dushooda lagu dagaalamo maadaama raggii dagaalamay ay weli ishor-fadhiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here