Home WARARKA GALMUDUG Al-shabab oo gacanta ku dhigay rag u shaqaynayay sirdoonka Mareykanka

Al-shabab oo gacanta ku dhigay rag u shaqaynayay sirdoonka Mareykanka

0

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa fagaaro ku yaalla Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay ku toogteen Nin ay ku eedeeyeen inuu Sirdoon u ahaa dowladda Mareykanka.Advertisement

Yaasiin Maxamuud Cumar ayaa lagu magacaabi jiray Ninka xukunka dilka toogasha ahaa ee Al-shabaab ku fulisay, waxaana xukuntay Maxkamadda Al-shabaab, isagoona la sheegay inuu qirtay inuu Sirdoon u ahaa Mareykanka.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay u sheegeen in Yaasiin Maxamuud uu soo qaatay qandaraas ah in uu keeno macluumo dhammeystiran oo lagu dili karo xubno ka tirsan Al-shabaabka ku sugan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa marar badan xukuno dil ah ku fulisay dad ay ku eedeeyeen in ay la shaqeenayeen dowlada federaalka iyo kuwo lagu eedeeyay inay Sirdoon u ahaayeen dowalo shisheeye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here