Home WARARKA GALMUDUG Aqri:-DENI oo Weji kale u yeelay Khilaafka Karaash & Go’aan cusubna soo...

Aqri:-DENI oo Weji kale u yeelay Khilaafka Karaash & Go’aan cusubna soo saaray

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay khilaafka soo kala dhax-galay,isaga iyo kuxigeenkiisa,kaas oo saameeyay hay’adaha kala duwan ee Maamulka.Advertisement

Saciid Deni waxa uu sheegay in Puntland ay tahay deegaan xasiloon,hayeeshee qoraaladii lagu baahiyey Baraha Bulshada ee lagu sheegay in madaxweyne kuxigeenkiisa uu soo saaray uusan hubin inay yihiin kuwo sax ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in awooda Maamul ee Magacaabista xilalka uu mas’uul ka yahay,isaga,hayeeshee kaliya Madaxweyne kuxigeenka uu leeyahay in uu kala tashado Magacaabista.

“Khilaafkii hore waan ka wada-hadalnay Madaxweyne kuxigeenka,balse awooda Magaacabista aniga ayaa leh,shaqada dalka aniga ayay ii taalla,balse sida dastuurka qabo la talin ayuu igu leeyahay ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.Advertisement

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa ayaa siweyn waxaa looga dareemay deegaannada Puntland iyo Soomaaliya inteeda kale,waxaana aad looga hadal hayaa Baraha ay Bulshada isticmaasho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here