Home WARARKA GALMUDUG Aqri:- gaalkacyo manta mala ciiday mise wa la sooman yahay?

Aqri:- gaalkacyo manta mala ciiday mise wa la sooman yahay?

0

Deganada somalida meelo badan oo ka mida aya maanta laga sooman yahay halka kuwa kalena ay ciidayaan waxaana gobalada qaar ay ku kala duwan yihiin arintasi

warar lagu kalsoonaan karo Aya shegaya in magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ay dadka ku nool ay sooman yihiin boqolkiiba 99% sida baaritaan ay samaysay hobyomedia ay arintaasi ku ogaatay

Wariyaasha hobyomedia ee gaalkacyo oo tagay dhawr masaajid aya shegaya in aysan jirin salaad ciid oo masaajidyada gaalkacyo intooda badan lagu oogay waxaana shacabka gaalkacyo intooda badan ay dhamays tirayaan 30 ramadaan

Xogta kale oo ay heshay hobyomedia aya sheegaya in uu jiro hal masjid oo saaka takbiirta laga maqlay kaasi oo ku yaal agagaarka iskuulka alshacab waxaana dad gaaraya ugu yaraan 30 qof ay ku oogeen salaada ciida

Degano badan oo Hobyomedia ay xiriir la samaysay kuwaasi oo hoostaga gaalkacyo aya laga sooman yahay waxana gobalka mudug uu yahay dhamantis gobal dadka ku nool ay manta sooman yihiin

Meelaha maanta ciida ay u tahay ee galmudug hoos taga waxa ka mida gobalka galgaduud degano hoostaga

Dhanka kale inta badan deganada dhaca koonfurta Somalia aya laga ciidaya waxana ay timid kadib marki dowlada dhexe ay shaacisay xalay in maanta ay ciid tahay waxana sidoo kale maanta laga ciidaya deganada ay maaamulan jubaland iyo sidoo kale degano kale oo hoos taga maleshiyaadka alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here